Hagaha Aabaha ee DARYEELKA ILMAHA MARKAAS DHASHAY
- Guriga
- Aabeyaasha
- Hagaha Aabaha ee Daryeelka Ilmaha markaas dhashay
Aabaha ku taxaluqa wuxuu muhiim u yahay nolosha ilmaha ee bilaha iyo sanadaha hore.
Xataa markii aabuhu ku nool yahay meel aan guriga ahayn, carruurta haysata aabayaal ku taxaluqa waxay u koraan carruur iyo dad waaweyn oo caafimaad qaba, faraxsan, oo aadna u guulaysta. Ilmuhu waxay u baahan yihiin inay xiriir adag la yeeshaan waalidiintooda, taasina micnaha waa aabaha, sidoo kale.
In guriga ilmo cusub la keeno waxay isbadal weyn ku keenaysaa qof walba. Waxaa jira qaabab badan oo aabuhu gacan uga gaysan karo taageerada hooyada iyo ilmaha marka ay guriga yimaadaan oo ay isbitaalka kasoo baxaan.
Jirka hooyadu wuxuu maraa isbadalo fara badan xilliga ay uurka leedahay. Waxay ku qaadan kartaa wakhti in xaaladeedu caadi kusoo noqoto. Noqo mid wanaagsan, dulqaad leh, oo taageera.
Haddii adiga ama hooyada canugaagu aad welwel qabtaan, aad dareemaysaan niyadjab, ama aad ku fakaraysaan inaad naftiina waxyeeshaan ama canugiina, islamrkiiba caawimaad raadsada. Kala hadal bixiyahaaga daryeelka caafimaadka. Niyadjabka aan la daaweyn wuxuu ku adag yahay canugaaga, qoyskaaga, iyo adigaba.
Wac 1-800-273-8255 si aad u hesho taageero shucuureed oo bilaash ah qarsoodina ah 24 saac ee maalintii, 7 maalmood todobaadki.
Wakhti tayo leh la qaado carruurtaada waaweyn adiga oo ka caawinaya soo qaadashada xafaayadda, u dhoolacadaynaya, ama canug wax u akhrinaya.
Naasnuuujintu waa qaabka ugu wanaagsan ee aad canugaaga nafaqo ku siin karto. Waxaa dhici karta inaysan marka ugu horeysa aysan fududayn sidaa darteed sii hooyada dhiirigalin iyo taageero fara badan.
WIC waxay halkaan u joogtaa inay ku caawiso. Wac wixii su’aalo ah ama taageero dheeraad ah oo ku saabsan naasnuujinta.
3 kamid ah 4-tii canug ee ku dhalata Oregon ayaa la naasnuujiyaa.
In caanaha naaska ama kuwa la qaso galaan caloosha ilmahaagu waa mid ku cusub. Carruurtu waxay dilqaan waxyar waxayna ubaahan yihiin daaco yar marka ay weynaadaan.
La hadal Khabiirka nafaqada ee WIC ama bixiyahaaga daryeelka caafimaadka haddii aad ka walaacsan tahay qadarka canugaagu soo dilqayo mar walba oo aad wax siiso.
Noqo halyey, ka badal xafaayadda!
Haddii aad ka walaacsan tahay xafaayadaha qoyan ee ilmahaaga, wac bixiyaha daryeelkaaga caafimaadka ama xaafiiska WIC ee deegaankaaga.
| Da'da Canugga | Qoyaan | Saxaro |
|---|---|---|
| Maalinta 1aad |
|
|
| Maalinta 2aad |
|
|
| Maalinta 3aad |
|
|
| *Maalinta 4+ |
|
|
*Qadarkani wuxuu sii jirayaa bisha koowaad ama kasii badan.
Midabka saxaradu wuxuu isbadalayaa bisha koowaad.
| Da'da Canugga | Qoyaan | Saxaro |
|---|---|---|
| Maalinta 1aad |
|
|
| Maalinta 2aad |
|
|
| Maalinta 3aad |
|
|
| *Maalinta 4+ |
|
|
*Qadarkani wuxuu sii jirayaa bisha koowaad ama kasii badan.
Midabka saxaradu wuxuu isbadalayaa bisha koowaad.
In ilmuhu calool-calool u jiifsado waxay ka caawinaysaa in murqaha luqunta iyo garbuhu u xogaystaan. Uga dhig jimicsigiisa maalilaha ah inta uu isu diyaarinayo soc-socodka weyn sida galgalashada, fadhiga, iyo guurguurashada.
La hadal oo wajiga farxad uga muuji marka aad xafaayadda ka badalayso.
Firfircooni siinta—in guriga laga soo baxo qof walba ayay u wanaagsan tahay!
Maskaxdiisu waxay baranaysaa ereyo cusub maalin walba, xataa laga bilaabo maalinka uu dhasho.
Waa muhiim inaad canugaaga gayso dhammaanba ballamaha caafimaadka aadna u dhammaystirto tallaalada oo dhan. Booqo https://www.cdc.gov/vaccines/ si aad u hesho macluumaadka xilliga tallaalka canugaaga.
Mar walba la joog canugaaga marka uu ku jiro saxanka qabayska ama uu u dhow yahay biayaha.
Ku nadiifi ciridka iyo ilkaha ilmahaaga maro nadiif ah, qoyan ama caday ramal jilicsan ama silicone ah oo farta lagu isticmaalo kadib marka uu wax cuno. Bilow isticmaalka cadayga jilicsan oo leh daawada lagu cadaydo ee foloraydhku ku jiro marka ugu horeysa ee ilkaha koowaad usoo baxaan.
Mar walba canugaaga ka caawi inuu dhabarka u seexdo kuna seexdo firaash adag oo aan lahayn buste iyo barkin toona.
American Academy of Pediatrics wuxuu ku talinayaa in ilmuhu qolka la seexdaan waalidkooda ayaga oo laba goglood ku kala seexanaya ilaa ay ka gaarayaan sannad guurada koowaad ee dhalashadooda.
Canugaagu adiga ayuu kugu tiirsan yahay si uu caafimaad u helo uguna baaqi ahaado
Ka eeg barnaamijyada hindisaha aabonimada barnaamijka Head Start (Garab Qabashada) ee deegaankaaga ama nidaamka dugsiga.
Side-Lying Hold
This hold is useful when:
Cross-Cradle Hold
This hold is useful when:
Clutch or “Football” Hold
This hold is useful when:
Cradle Hold
This hold is useful when:
Laid-Back Hold
This hold is useful when: