Daryeelista Dhallaankaaga DHALASHADA ILAA 6 BILOOD

WAAN IDIN SALAAMAY DUNIDA

Waxaan Ahay Dhallaankaaga. Waxaad ii tahay wax walba.
Fadlan iga caawi inaan xoogaysto jir ahaan, qalbi ahaan, iyo maskax ahaanba. Waxaan si fiican u korayaa marka aad:
Caanaha naaska ama caanaha la qaso ee caruurta ee leh birta (iron) ayaa ah waxa aan u baahanahay si aan u koro una barbaaro 6-dayda bilood ee iigu horreysa.

NAASNUUJINTA

Waxaad Haysaa Waxa Aan u Baahanahay Si aan u Koro.
Caanaha naasku waa cuntada iigu wanaagsan aniga.
Weydii bixiyahaaga daryeelka caafimaadka haddii aan u baahdo Fitamiin D dheeraad ah si aan ugu koro haddii aan naaska nuugayo. Weydii bir (iron) dheeraad ah marka aan gaaro 6 bilood jir.
Round-2-23

CABISTA CAANAHA LA QASO

Haddii aan cabo caanaha la qaso, waa muhiim in la isku qaso isla markaas. Raac tilmaamaha isku qasidda ee gasaca ku qoran.
Mar walba masaasada biyaha ku shub, kadibna caanaha budada ah.
Mar walba isticmaal qaadada laguugu siiyay gasacadda caanaha. Hubi in ay siman yihiin.
Ku isticmaal caanaha caruurta ee la qaso 2 saacadood gudahood kadib marka aad talaagadda kasoo saarto.
Marka aan bilaabo cunta cunista, daadi caanaha kusoo hara masaasada 1 saac kadib.
BottleFeeding

WAXAAN U BAAHANAHAY TAABASHADAADA

I hay marka aad i quudinayso.
Waxaan ku dareemaa ammaan iyo jacayl in aan wajigaaga eego.

Marraka qaarkood waxaan ka nasan karaa cuntada, inkasta oo aanan wali dharagsanayn. Waxaan kaliya rabaa inaan nasto ama aan kula qaato wakhti gaar ah.
Iga caawi in aan soo jeedo marka aad cuntada i siinayso. Fadlan meel haku tiirin masaasadayda. Waan ku margan karaa ama waxaan qaadi karaa caabuqa dhagaha.

ISTICMAALKA MASAASAD SI AAD CANUGAAGA UGU QUUDISO

Haddii ay yihiin caanaha naaska ama kuwa la qaso ee masaasadayda ku jira:

milk bottle

Ka bilow inaad i siiso qadar yar halkii marba, 2 ilaa 3 wiiqadood (60 ilaa 90 ml) oo ah caanaha naaska ama kuwa la qaso.

stop watch
Aan maamusho hadba sida degdegga ah ee aan masaasadayda wax uga cabayo.
battery
Igu aamin in aan aqaano marka aan dharagsanahay. Fadlan ha igu qasbin inaan masaasada ka dhameeyo.
clock
Qabooji masaasada ilaa aad diyaar u tahay in aad igu quudiso. Ku isticmaal masaasadaha aad diyaariso 24 saac gudahood.
no use microwave
Mar walba masaasadahayga ku kululee biyo kulul. Marna caanaha naaska ama kuwa la qaso mikroweefka ha galin. “Waxyaabaha kuluul” afka ayay iga gubi karaan. Adada!

WAXAAN U BAAHANAHAY INAAN INTA BADAN WAX CUNO

Calooshaydu waa ay yar tahay.
Breastfeeding

Dhalashada ilaa 3 Bilood

bac_black_mom_breastfeeding

4 ilaa 6 Bilood

Xasuusnow, carruurta oo dhan waa ay kala duwan yihiin. Waxaa dhici karta inaan qadar kala duwan cuno maalinba maalinta ku xigta. Marka aan sii weynaado calooshayduna sii korto, waxaa dhici karta inaan wakhti yar wax cuno, laakiin markiiba aan wax badan cuno.

LA SOCO ASTAAMAHAYGA

Waxaan isticmaalaa dhaqdhaqaaqa jirka waxaana sameeyaa qaylo si aan kuugu sheego waxa aan doonayo. Haddii aad iga fiiriso astaamahaan, waad ii jawaabi kartaa kahor inta aanan bilaabin oohinta. Waxaa fudud inaad cuntada i siiso marka aan xasiloonahay.

“WAAN GAAJAYSANAHAY”

Marka gaajadu igu bilaabanayso, waxaan:

“WAAN DHARAGSANAHAY”

Marka aan dharagsanahay, waxaan:

KORRIIN DEGDEGA AH

Inta aan korayo, jadwalkaygu waa uu isbadali karaa, waxaana laga yaabaa inaan rabo inaan cuno cunto ka badan hurdo ka badanna seexdo sidii caadiga ahayd. Arimahaan waxaa loogu yeeraa korriinka degdega ah.
Dhammaanba carruurtu waa ay kala duwan yihiin, laakiin korriinkayga degdega ah wuxuu dhici karaa marka aan marayo da’da:
newborn_back_sleeping

2 ilaa 3 todobaad

2-3 week

4 ilaa 6 todobaad

3 month
3 bilood
4 month
4 bilood
6 month
6 bilood
9-month
9 bilood
Jirkaagu wuxuu sidoo kale garan doonaa waxa aan u baahanahay wuxuuna samayn doonaa caano fara badan si uu u daboolo korriinkayga degdega ah. Hadba sida ay u badan tahay inta jeer ee aad naaska i nuujiso ama caano i siiso, waxaa sii badanaya caanaha jirkaagu samaynayo.

Haddii aan gaajo muujiyo kadib marka aan cuntada dhamaysto, mar labaad naaska i sii. Haddii aan qaadanayo masaasad, isii hal ama labo wiiqadood (30 ilaa 60 ml) oo kale.

ILA CAYAAR!

Waxaan diyaar u ahay inaan wax ka barto adiga, aniga, iyo dunida aan ku noolnahay. Waxaan rabaa inaan ogaado waxa jirkaygu samayn karo.

Ii jiifi calool-calool marka aan wada cayaarayno.

Marka aan soojeedo oo aan nasanahay, i saar buste aad dhulka ii gogashay. Fiiri sida aan lugahayga u kala bixinayo oo aan wax u laadayo una dhaqaajinayo gacmahayga. Waan sii xoojinayaa.

CAYAARTU waxay iga caawisaa inaan waxbarto, horumariyo iskudubaridka jirks, dhiso awood, wax sahmiyo, xiriirna kula lahaado!

EEG WAXA AAN SAMAYN KARO!

Waxaan si fiican wax u bartaa marka aan faraxsanahay, jacayl haysto, ammaanna ahay.
Baby_sleeping_on_Dad

Dhalashada ilaa 3 Bilood

Dunidu waa ay igu cusub tahay. Waxay noqon kartaa mid cabsi leh. Marka koowaad aad ayaan u ooyi karaa.
Waa inaan kala bartaa habeenka iyo maalinta.
Waan aqaanaa codkaaga.
MomReadingToBaby

4 ilaa 6 Bilood

Waxaan bilaabayaa inaan jadwalka la qabsado.
Waxaan noqonayaa mid xooggan oo firfircoon.
Fadlan wax ii akhri.

IGA DHIG QOF BADBAADSAN OO CAAFIMAAD QABA

Birth-3-Months

MARWALBA ii seexi dhabarka kaligay, oo igu seexi sariirtayda ama sariirta carruurta. Waanu wadaagi karnaa qolka, laakiin ma wadaagi karno sariirta. Neefta ayaa igu dhagi karta haddii buste, barkin, ama boombale uu afka ama sanka iga daboolo.

Wash-Hands

Gacmaha dhaqo kahor inta aadan cuntada ii smaayn ama aadan i quudin.

CleaninBabysTongue

Ku nadiifi ciridkayga iyo ilkahayga maro nadiif ah, qoyan ama caday ramal jilicsan ama silicone ah oo farta lagu isticmaalo kadib marka aan wax cuno. Bilow isticmaalka cadayga jilicsan oo leh daawada lagu cadaydo ee foloraydhku ku jiro marka ugu horeysa ee iligayga koowaad iisoo baxo.

6-months-age

Sug ilaa aan ka gaarayo ilaa 6 bilood kahor inta aadan cuntada adag i siinin. Waxaan u baahanahay wakhti aan ku horumariyo nidaamkayga difaaca jirka kuna xoojiyo murqaha afkayga si aan ugu cuno una laqo cuntada si sax ah. Haddii cunto adag la i siiyo kahor inta aanan diyaar noqon, way igu margan kartaa ama waan ku xanuunsan karaa.

HA i siin cuntooyinkaan ilaa aan ka gaarayo ugu yaraan 1 sano:

Cow's Milk

Caanaha lo'da ama caanaha kale ee aan xoolaha ahayn (sida caanaha soy ama almond). Aad ayay iigu adag tahay inaan dheefshiido waxayna ii keeni kartaa dhibaatooyin caafimaad.

Honey don't use

Malabka iyo cuntooyinka malabku ku jiro. Malabka waxaa ku jiri karta bakteeriya keenta infant botulism, ama sumowga cuntada. Bakteeriyadani dhibaato uma keento carruurta waaweyn iyo dadka waaweyn.

BILAABISTA SUBAGGA LOWSKA

Haddii bixiyaha daryeelkaygu sheego inuusan dhibaato keenayn, aan iskudayo subagga lowska marka aan 6 bilood jir ahay. Samaynta sidan waxay iga caawin kartaa inaan ka hortago xasaasiyadda subagga lowska inta aan weynaanayo.
Wixii kaalmo dheeraad ah, kala xiriir La taliyahaaga Naasnuujinta ee WIC ama Khabiirka Qaabilsan Naasnuujinta ee WIC si aad u weydiiso wixii su’aalo ah oo ku saabsan naasnuujinta.